top of page

Wax baridaiyo Barbaarina, Ubadka Autismka qaba

BALU_logo3.png
Waa maxay BALU?

«Wax baridaiyo Barbaarina, Ubadka Autismka qaba, » (BALU) waa mashruuc cilmi baaris ah, oo ka socda Jaamacadda Oslo,halkaas oo aan ku baarayno horumarka iyo barashada carruurta yar-yar ee qaba cudurka Ootiisamkaiyo isbarbardhig ubadka kale.Waxaan u baahannahay carruur badan oo daraasaddan nagala qaybgasha,waxaan casuumeynaa carruurta 2, 3 iyo 4 sano jirka ah ee qaba cudurka Autism-ka ama loo maleeyo inay qabaan cudurka 'Autism-ka' si ay ugu soo biiraan daraasadda.

translate.png

Ikon laget av Freepik hentet fra Flaticon.com

Maxaan ka baaraynaa caruurta?

Luqada iyo qaabka fahamka ubadka:

Waxaan ka qaadaynaaubadka, imtixaanku salaysan qaab ciyaareed, kaas oo aan ku ogaanaynayno luuqada iyo qaabka fahamkoodu yahay.

Is dhexgalka dadka kale iyo wada xiriirka bulshada:

Waxaan ka duubnaa film carruurta oo la ciyaaraysa/dheelaysa dadka waawayn si aan u daawano, falcelintooda markii aan tusino waxyaabo la jecelyahay in lagu ciyaaro.

EEG & Eye-tracking:

Waxaan daawadsiinaa carruurta filim gaaban iyo ciyaar kombuyuutarka ah oo carruurta u fiican, madaxa waxaan ugalinaa EEG, halka kamarad yarina ay cabbirto dhaqdhaqaaqa indhaha. Sidani waa qaabab badanaa loo adeegsado baaritaanka carruurta yaryar. Haba yaraatee ma dhaawaceyso, wax dhib ahna ma leh, laakiin haddii ilmuhu uusan rabin inuu sameeyo, waan ka dhaafnaa qaybtaan baaritaanka ah.

Halkee lagu sameeyaa baaritaankan?

Baaritaankan waxaa lagu sameyn karaa xanaanada, gurigaaga ama guryaha ku yaal Jaamacada Uio. Hadaad rabtid inaan ku sameyno xadaanada caruurta, waan la xiriiraynaa oo waxaan sameyneynaa heshiis si aan qol ku amaahano. Waxaan kaloo badanaaba weydiinnaa haddii xubin ka socda xannaanada uu la joogi karo ilmaha, maalinta imtixaanka. Dabcan waad ka qaybqaadan kartaa dhammaan ama qayb kamida baaritaanka, laakiin adiga ayaa dooran kara.

Maxay tahay inay waalidku sameeyaan?

Haddii aad u aragto inay caadi tahay in ilmaha lagu daro baaritaankaas, waa inaan helnaa oggolaanshahaaga (mid elektiroonig ah, websaydka hoosta ku yaal, ama qoraal ahaan caddeynta oggolaanshaha ee ku jirta baqshadda). Mar alla markii aan helno oggolaanshahaaga, waan kula soo xiriiri doonnaa si aan uga jawaabno wixii su'aalo ah oo aan haddana isla oggolaano.

Haddii aad fursad u haysato (Laakiin muhiim maahan inaad daraasadda ka qayb qaadato) waa wax weyn haddii aad buuxin karto xog-waraysi kusaabsan ilmaha oo aad ku biiri karto 10-ka daqiiqo oo isku xig xiga ciyaarta oo la xidhiidha qaadista ama keenista dugsiga barbaarinta.

Maxaad helaysaa?

Maxaad helaIlmuhu waxa uu helayaa hadiyad, isaga oo ku mahadsan ka-qaybgalkaas. Waxaad helaysaan warbixin yar, oo aan ka qorayno, waxa aan baarnay iyo sida ay hawshu u dhacday. Intaas waxaa sii dheer, waxaad gacan ka geysaneysaa aqoon cusub oo muhiim ah, oo ku saabsan
horumarka iyo barashada carruurta yar yar.

 

Macluumaadka fiidiyowga:
bottom of page